Somali News

Kiisaska COVID-19 ee dalka Mareykanka oo sii kordhay

Muqdisho-KNN- Kiisaska caabuqa Karoona ee dalka Mareykanka oo kabatay saddex milyan oo kiis.

In kabadan sadax milyan oo kiis oo ah caabuqa saf-marka ah ee Covid-19 ayaa laga helay dalka Mareykanka sida laga soo xiganayo Jaamacadda Johns Hopkins.

Sidoo kale dhimashada ayaa sara u dhaaftay 131,000 oo ruux, Talaadadii ayaana lasoo wariyay kiisaskii ugu badnaa oo ka badan 60,000.

Arintan waxa ay imaanaysaa iyadoo Aqalka Cad ee wadanka Mareykanka uu qorsheenayo sidii dib loogu furi lahaa Iskuulada. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wali ku adkeesanaya in xaalka Mareykanku uu wanaagsan yahay.