Somali News

Kim iyo Trump oo Nuclear-ka kawda hadlaya

Muqdisho-KNN-Madaxweeynaha Mareeykanka Donald Trump iyo Hogamiyaha Kuuriyadda woqooyi Kim jong Un ayaa waxaa u billowday wada hadallo rasmi ah waxaana ay uga hadlayaan Nuclearka.

Wada hadalka oo galay maalintii Labaad ayaa ka socda magaaladda Haanooy ee dalka Vietnam.

Horumar yar ayaa laga sameeyay Bur-burinta Nuclearka, inkastoo aan heshiis lagaarin hase ahaatee dhamaan indhaha Caalamka ayaa eegaya waxa ay hogamiyeyaashu so saari doonaan.

“Deg-deg ma jiro. Waxaanu dooneynaa heshiis sax ah” ayuu yiri madaxweyne Trump oo uu bar-bar taaganyahay Kim Jon Un.

Kim ayaa dhiniciisa sheegay in uu natiijo wanaagsan ka filayo wada hadaladda.

Waxay labadda hogaamiye si weeyn uga doodi doonaan hanaanka loo marayo in gacanka Kuuriya laga cirib tiro Hubka Nuclearka waxayna ku dhawaaqi doonaan Heshiis rasmi ah, sida ay sheegayaan xog-ogaalka shirka ku sugan.