Somali News

Kismaayo iyo Garbahaareey oo kulammo isdiidan ay jiraan

Kismaayo-KNN-Kulammo isdiidan ayaa saaka waxaa laga soo warinayaa in ay ka socdaan magaalooyinka Kismaayo Iyo Garbahaareey, oo ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Madal ay isugu yimaadeen indheergaradka Garbahaareey ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo, waxaana la istusay in ay muhiiimtahay in meel looga soo wada jeesto nidaamka Jubaland.

Dhanka kale guurti iyo siyaasiyiin ree Jubaland ah ayaa ku shirsan Kismaayo waxa ayna isku dayayaan in la dajiyo tabashada ree Garbahaareey ay ka  tirsanayaan Jubaland, Axmed Madoobe ayayna taageero umuujiyeen.

Dhowr maalmood kahor ayay aheyd markii Garbahaareey dhowr wasiir oo Jubaland ka socday lagu dibadbaxay oo qaarkood dhaawac fudud loo geystay.