Somali News

Kismaayo: Musharax Cabdirashiid Xidig oo ka badbaaday Qarax loogu qariyay gurigiisa

Kismaayo-KNN-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamuka Jubbaland ayaa ku warama in Ilaalaada Xildhibaan Cabdirashiid  Maxamed Xidig oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Jubbaland ay goordhow fashiliyeen Qarax Miino oo la doonayay in lagu qaarajiyo Xildhibaan Cabdirashiid Xirig.

Qaraxa ayaa la sheegay in laga helay guriga uu Xidig ka dagan yahay magaalada Kismaayo oo ku yaala Xaafadda Isku-filan.

Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabdirashiid Xidig wali wax faah-faahina warbaahinta kama siin falkaas lal damacsanaa.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne ee maamulka Jubbaland ayaa xiliga ay ku suganyihiin deegaanada maamulkaas waxa ay sheegeen in ay cadaadis xoogan kala kulmaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.