Somali News

Kolonyo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula beegsaday Isgoyska Sos ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM goor dhow lagula beegsaday magaalada Muqdisho, gaar ahaa Isgoyska So see degmada Hiliwaa.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka wateen ciidamada AMISOM, kaas oo uu burbur xoogan soo gaaray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan, taas oo ay ka dhalatay waxyeelo u badan dhaawac oo soo gaartay dadkii ka agdhawaa goobta uu qaraxu ku haleelay ciidamadaas.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya halkaas ayaa sheegaya in uu hadda xaalku daganyahay isku socodkii dadkana uu si caadi ah kusoo laabtay, inta badan ciidamada AMISOM ayaa markii ay sidaan oo kale qarax la kulmaan waxay rasaas ku furaan dhamaan dadka rayidka ah ee ka agdhaw goobtaas si aan kala sooc lahayn, waxaana xusid mudin in bilo ka hor ciidamada AMISOM ay xasuuq ugu geystee dad rayid ah meel aan ka fogeyn halka saakay lagu qarxiyay.