Muqdisho-KNN-Qarax xoog leh oo ah miinada Nuuca Dhulka lagu aaso ayaa goor-dhaw lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo marayay deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka magaalada Muqdisho.
Goob jooge ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ayaa Idaacada kulmiye u xaqiijiyay in uu arkay Gaari ay leeyihiin Ciidanka AMISOM oo ku bur buray Qaraxaasi waxaana gaari markii danbe lagu qaaday Gaari kale oo ah nuuciisa lagu sheegay wiish.
Ciidanka AMISOM ayaa qaraxa ka dib furay rasaas badan balse lama soo sheegin Khasaare ka dhashay, Ciidanka ayaa xirtay wadada iyo Nawaaxigeed lamana oga inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay.
Qaraxyada nuucaan oo kale ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo laab laabtay deegaanada ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.