Somali News

Kolonyo uu la socday hogaamiyaha mucaaradka dalka Venezuela oo la weeraray.

Koox hubeesan ayaa weerar ku qaaday kulunyo uu lasocday hogaamiyaha mucaaradka dalka Venezuela Juan Guido.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa lasheegay in ay miraayadaha ka bur buriyeen qaar kamid ah gaawiridii kolonyada ahaa, iyadoona kooxda weerarka soo qaaday lasheegay in ay siteen mootooyin.

Afhayeenka hogaamiyaha mucaaradka ayaa warbaahinta u sheegay in afar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay gawaaridaasi lasocdeen isagoona intaasi sii raaciyay in aysan jirin cid uu qasaaro kasoo gaaray.

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Venezuela ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya madaxwaynha dalkaasi ee Nicolas Maduro oo ay siyaasadda isku hayaan.