Uncategorized

Kongareyska Maraykanka oo ku baaqay in dib loo baaro Weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee Sh/Hoose.

Muqdisho-KNN-Kongareyska mareeykanka ayaa ku Booriyay Wasaaradda Difaaca Mareeykanka in ay bilaawdo Baaritaan Cusub oo ku saabsan dad Rayid ah oo Ciidamadda Mareykanka ay ku Xasuuqeen Soomaaliya.

Ted Lieu pressed oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareeykanka ayaa sheegay in Wasaaradad Dicaafa mareeykanka looga Baahanyahay in ay Dib u eegsi ku sameeyaan Wararka Warbaahintu ay Baahiyeen ee ku saabsan in Ciidamada gaarka ah ee Mareeykanka ay Bishii August Deegaanka Bariire ku Dileen 10 Qof oo aan hubeeys-neyn.

David Trachtenberg oo ah ku xigeenka Xoghayaha Difaaca Mareeykanka kana tirsan Kongareeyska Mareykanka, ayaa isaguna sheegay in Wasaaradiisu ay qaadan doonto Soo jedinta Mudaneyaasha kongareeska.

Wuxuu yiri “Baaritaano horay loo sameeyay waxaa lagu ogaaday in Dadka Waxyeeladu soo gaartay ay ahayeen Dad hubeeysan oo ciidamadadeena gaarka ah rasaaseeyay” .

Ku xigeenka Xog hayaha Difaaca Mareeykanka ayaa intaas ku daray in ay Dhab u qaadanayaan eedeymaha ku sababsan Waxyeeladda shacabka.

Kongareeyska Mareeykanka ayaa soo jeedintaan waxaa uu Sameeyay in ay Socotay dhageeysi ku saabsan Dadaaladda Argagixiso la dirirka ee Qaaradda Africa.

Weerarkaas waxaa uu ahaa mid Ciidamadda mareykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iskaashanaya ay Fuliyeen, wuxuuna dhacay 25 kii Augost ee Sanadkaan sida ay sheegeen Goob jooge yaashu, Ciidamaddu waxay weerareen Dad Rayid ah oo ku sugnaa Beertoodii Subax Aroor ah, waxayna Dileen 10 Qof oo Sadax ka mid ah ay Caruur ahaayeen.

Taliska Qaaradda Africa ee mareeykanka ayaa siyaabo kala duwan uga Hadlay Weerarkii Bariire, isla maalinkii Weerarku dhacay Warsaxaafadeedkii Africom waxaa uu u Qornaa “waxaan ka warqabnaa eedeeymaha Waxyeeladda shacab soomaaliyeed loogu geeystay meel u dhow Bariire, si dhab aha ayaan uqadaneeynaa waxyeeladda Shacabka, waxaana Sida Caadiga ah sameeyneynaa Qiimeeyn si aan u ogaamino Xaqiiqadda”

29kii November ayaa Africom wuxuu saaray Qiimeeyntii uu Balan qaaday waxaana Warsaxaafadeedkii uu u Qornaa sidan “ kadib Qiimeeyn lagu sameeyay howlgallo ciidamo soomaaliyeed Hugaaminayen oo ka dhacy meel u dhow Bariirre 25 kii Augost, Taliska Africa ee Howlagalka gaarka ah wuxuu Xaqoiijinayaa in Dadkii waxyeladu Soo gaartay ay ahaayeen Cadow Hubeeysan”

Kongareeska iyo Wasaaradda Difaacada ee Mareeykanka iskuma Raacin wali waqtiga la Bilaabayo Baaritaanka.