Somali News

Kongreska Mareykanka oo u codeeyay in la xadido awoodda Trump ee dagaalka.

Aqalka kongreska ee dalka Mareykanka ayaa u codeeyay qaraar lagu xadidayo awoodda milateri ee madaxwyene Trump uu u leeyahay in uu dagaal ku qaado Iran.

Qaraarkan ayaa waxaa isku raacay inta badan xildhibaanada kongreska, inkastoo aanan wali loo gudbinin aqalka sare oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay sidii uu madaxweyne Trump kongreska ugu soo wargelin lahaa tallaaba walba oo milateri oo ka dhan ah Iran, waxaase laga reebay hadii Iran ay weerar kuso qaado Mareykanka, taas oo uu madaxweynaha xaq u leeyahay in uu iclaamiyo dagaal.

Dalalka Mareykanka iyo Iran ma aanay shaacinin dagaal milateri oo dhexmara, inkastoo Iran ay sheegtay in weerarkii dhawaan ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq uu bilaw u ahaa tallaabooyin milateri oo ay damacsan tahay.