Muqdisho–KNN–Taliyaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Somalia Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in wixii ka danbeeyay bur burkii dowladii dhexe ay jiraan Ajaanib wadanka ku joogo sharci daro.
Taliyaha waxaa uu tilmaamay in Xuduudaha oo iska furnaa awgeed ay dalka soo galeen Dad badan oo Ajaanib ah kuwaas oo qaarkood qalalaase ka wadaan gudaha dalka iyo sidoo kale in ay jiraan Somali gashay danbiyo oo ku dhuumaaleysanaya dalka qaarkoodna ka baxaan xuduudada iyo Garoomada dalka loona baahanyahay in la dadejiyo sharciga socdaalka dalka.
Maxamed Aadan Jimcaale Koofi taliyaha Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in wax ka badal lagu sameeyo iyo dib u eegis habka Baasaboorka Soomaaliga oo mudooyinkaan aad u badanyihiin dadka dalbanaya Baasaboorka iyo sidoo kale diplomacy yiinta qaadanaya sharciga Somalia sida uu hadalka u dhigay
Wixii ka danbeeyay bur burkii dowladii dhexe ee Somalia wadanka waxaa jiray Ajaanib tiro badan oo sharci daro dalka ku soo galayey kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay ka qeybqaataan dagaalada ka dhaca Somalia waxaana taa loo aaneynayay Hey’ada socdaalka oo aan u shaqeyn sidii loo baahnaa sababkasta ha noqotee.