Somali News

Koofur Afrika:-Ganacsato Soomaali ah oo meheradahoodii la boobay

Cape-Town-KNN-Wararka aynu ka heleyno dalka Koofur Afrika ayaa waxa ay ku waramayaan in boob lixaad leh loo geystay muwaadiniin Soomaali ah oo ganacsi dalkaa ku lahaa.

Ku dhawaad 20 dukaan ayaa la boobay, waxaana dhacan geystay kooxo burcad koofur afrikaan ah.

Intii boobkani uu socday waxaa la dilay nin kamid ahaa kooxdii burcadda aheyd ee dooneysay in ay dhacaan meheradaha Soomaalida.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa had iyo jeer dhibaato loo gaystaa dadka ajaanibta ah oo Soomaalidu ay kamidtahay.