Uncategorized

Koofur Galbeed oo ciidamo geeysay inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale

Baydhabo-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamo la geeyay inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale oo kawada tirsan gobolka Baay.

Magaalooyinka Baydhabo iyo Baradale ayaa qiyaastii isku jira 60KM waxaana sanadihii dambe ay ahaayeen mid ay adkeed in mas`uuliyiinta maamulka ay ku safraan deegaanada u dhaxeeya magaalooyinkaas oo Al-shabaab ay go`adoomiyiin.

Mas`uuliyiinta maamulka ayaa hadda sheegay in ay ku howlan  yihiin sidii ay iskugu furi lahaayeen inta u dhaxeysa magaalooyinkaas.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa maalmihii dambe waday qorshe ay ku sheegeen in deegaanada maamulkaas ay kaga saarayaan dagaalameyaasha Al-shabaab.