Muqdisho-KNN-C/llahi Sheekh Xasan Wasiirka Dastuurka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in Gaadiika aanay Xabbadda karin iyo Lacago badan ay geysay Magaalada Baydhaba.
Wasiirka ayaa Waxaa uu sheegay diyaarad siday Ciidan in ay gaartay Magaalada Baydhabo ,islamarkaana lagu doonaayo in lagu dhibaateeyo doorashadda Madaxtinimada ee ka dhici doono Bisha Soo Soco.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in waqtigii looga tala galay ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in Dowlada Dhexe ay doonayso in ay lacagta iyo rasaasta ku taageerto Musharixiinta gaaray Magaalada Baydhabo.
Musharixiin badan ayaa xiligan waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.


