Uncategorized

Koofur-galbeed oo fashiliyay Miino Al-shabaab ay ku aaseyn Daynuunay

Baydhabo-KNN-Wararka ka imaanaya  Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya  In Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi ay gacanta Ku dhigeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo Miino ku aasayay Wadadda Xiriirisa Daynuunaay Iyo Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa sheegay in ragani laga soo qabtay duleedka deegaanka Daynuunaay Islamarkaasina ay gacanta ku dhigeyn Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeedba oo goobtaasi ka ag dhawa.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab ee aasayay Miinada ay ahaayeen laba dagaalame, hadda lagu haayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koofur galbeed.

Ciidamadii qabtay raggan ka tirsan Al-shabaab ayaa qarxiyay Miinadii ay aasayeen, wuxuuna afhayeenka uu sheegay in dadka deegaanka iyo sirdoonka ciidamada ay ka caawiso in ay ka hor tagaan dhagarta Al-shabaab.