War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in maamulkooda aysan la socon is hor istaag ku sameeyay Wadahadallo la doonaayay in ay dhexmaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Qoraalka ayaa waxaa kale oo lagu tilmaamay in guddi u xilsaaran maamulka Koonfur Galbeed Wadahadallada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay jiraan, islamarkaana ay diyaar u yihiin wadahadalada dowladda Somalia iyo Maamul goboleedyada.
Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay in diyaar u tahay in ay ka qeyb ka noqoto wadahadallada labada dhinac ee ku saabsan doorashooyinka dalka.

