Uncategorized

Koofur Galbeed oo ka hadashay abaal marin ay siiyeen dagaalame ka soo goystay Al-shabaab.

Baydhabo-KNN-Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa faafaahin ka bixiyay lacag abaalmarin ah oo ay siiyeen nin horey uga soo goostay dagaalamayaasha Al-Shabaab bishii Jannaayo ee sannadkan, kuna soo biiray ciidamada maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirka Amniga ee Koofur Galbeed  Xasan Maxamed Xuseen oo la hadlay VOA ayaa ka hadlay lacagtaas ay siiyeen dagaalame ka tirsanay Al-shabaab iyo sababaha uu maamulku tallaabadan u qaaday.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arintaan ay gogol xaar u tahay sidii kuwoo kale ay ugu soo bixi lahaayeen Al-sahabab.

Sarkaalka ka soo baxay Al-shabaab ee ku biiray maamulka Koofur Galbeed ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xasan Aadan Sandheere, iyadoona goob fagaara ah lagu gudoonsiiyay 15000 oo Dollar Mareykanka ah oo abaalmarin ahaan loo siiyay.

Sandheere ayaa markii isku soo dhiibaayay laamaha amniga ee Koofur Galbeed watay Gaari nuuca dagaalka ah oo uu ku rakiban yahay Qoriga Dhashiikaha la yiraahdo.