Somali News

Koofur Galbeed oo ka hadashay dagaal ka dhacay shabeellada hoose.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab ayaa waxaa ay  weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ku leeyahiin deegaanka Lambar 60 ee gobolka shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka hdashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka shabeelada hoose Cabdi Axmed Yuusuf oo la hadlay KNN ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Al-Shabaab laga hortagay, islamarkaana xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab laga dilay

Weerarka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sheegteen iney halwgallo ay ku fuliyeen Shabeelada Hoose ay ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab.