Somali News

Koofur Galbeed oo ka hadashay Sarkaal Al-shabaab Ka tirsanaa oo Isku Dhiibay.

Bardaale-KNN-Wararka ka imaanaya  Degmada Bardaale ee Gobolka Bay,ayaa sheegaya in  Sarkaal  ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab uu isku soo dhibay Maamulka Degmadaasi.

Maxamed Isxaaq Araxas Gudoomiyaha Degmada Bardaale oo warbaahinta la hadlay  ayaa waxa uu sheegey in sarkaalka uu Xiriiro kala duwan la soo sameeyay maamulkiisa, Kadibna isagana uu go’aansadey inuu iska soo baxo Al Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu baaq u diray dhalin yarada ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoona ka dalbaday in ay ka faa’ideystaan baaqii ka soo baxay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wali faah faahin intaas ka badan kama aysan bixin Maamulka Degmada Bardaale ee Gobolka bay.

Maalmihii dambe waxaa isa soo tarayay baxsadka dagaalamayaasha  Al-shabaab, kuwaasi oo si is daba joog ah isugu soo dhiibayay Dowladda Soomaaliya, si ay u helaan nabadgelyo iyo mustaqbal wanaagsan.