Somali News

Koofur Galbeed oo mamnuucday shirarka siyaasadda.

Wasiirka Amniga Koofur galbeed Soomaaliya Maxamed Isxaaq Cabdi oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada beydhabo ayaa carabaabay in ay jiraan siyaasiyiin doonayo in ay qalqal geliyaan amniga degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiir Maxamed isaaqa ayaa sheegay in aan cidna laga ogolaan doonin qalqal gelinta amniga degaanada Koonfur Galbeed, maadaama ay abaaro baahsan oo isku badalay macaluul ay ka jiraan degaanada Koofur galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Doorashada hogaanka koofur Galbeed Soomaaliya ay leedahay waqti isla markaana aysan ka maamul ahaan aqbali doonin siyaasiyiin dano gaar ah leh in ay qalqalgeliyaan amniga degaanada Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu laamaha Amniga Koofur galbeed faray in ay talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasto oo isku daydo in degaanadasi ay ku qabato shirar siyaasadeed oo aan maamulka koofur-galbeed fasax looga heeysan.

Hadalka wasiirka Amniga Koofur galbeed Soomaaliya ayaa imaanayo xili shalay magaalada beydhabo uu kaga dhawaaqay in uu yahya musharax u taagan xilka Madaxwaynaha Koofur galbeed Soomaaliya, gudoomiyihii hore ee gobolka bagool shiine macalin nuurow.