Muqdisho-KNN-Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu ka hadlay xariga loo geystay Mukhtaar roobo Abuu Mansuur.
Ugaas Xasan ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aysan lug ku laheen xariga Roobow.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Dowladda Dhexe ay soo xirtay Wadaadka Mukhtaar Roobow, isagoona sheegay in arintaasi lagula xisaabtamaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya oo iyadu sheegatay in ay soo xirtay Roobow.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacayay falal banaanbax rabshado wata, kaasi oo looga soo horjeeda xariga loo geystay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.