Somali News

Koofur Galbeed oo sheegtay waqti uu furmayo shir ka dhacaya Baydhabo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay tagaan guddi farsamo oo ka kooban maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, kuwaas oo u sii gogol xaari doonaa gollaha wadatashiga qaran, si xal u helida khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Guddigan oo uu shalay magacaabay ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka, Maxamed Xuseen Roble, kana kooban 14 xubnood ayaa ah mid daba socda shirkii maalma kahor ka dhacay magaalada Samareeb ee u dhaxeeyay dowladda federaalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka oo k dhammaaday is-afagard waaga.

“Shirkan wuxuu daba socdaa shirkii wadatashiga qraana ee ooga hadlay arrimaha doorashooyinka, guddiganna wuxuu turxaan bixin ku sameyn doonaa arrima fara badan, wuxuu u gogol xaari doonaa shirka ay madaxda isugu iman doonta, iyagoona ka doodi doonaa waxyabaa badan oo la xiriir arrimaha khilaafka doorashooyinka kahor inta aysan madaxda isugu imanin shir”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid

Waxyabahaa kasoo baxa shirka ayuu wasiirka sheegay in wixii ay isla meel dhigaan ay u gudbin doonaan dowlad goboleedyada, kadibna madaxda dowlad goboleedyada ay usii gudbin doonaa madaxda dowladda federaalka.

“Shirkan waa uu ka duwan yahay kuwii hore oo lagu baaqay inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo kan waa guddi farsamo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Kullankii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ku dhexmaray magaalada Samareeb ee Galmudug ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii la isku mari waayay qoddobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan katirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku heyso dowladda federaalka