Uncategorized

Koofur Galbeed”Cid Shabaab Garsoor u raadsan karta ma jirto”

Baydhabo–KNN–Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan  iyo Wasiirka Amniga Maamulka Koofur Galbeed  Xasan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku Amray Shacabka ku nool Degaanada Koofur Galbeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Baydhabo in aysan Garsoor u doonan karin Dhulka ay Maamulaan Al-shabaab.

Taliyaha Booliska Koofur Galbeed Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Maamulku uu Talaabo ka qaadi doono Ciddii Maxkamad u raasata Al-shabaab islamarkaana loo aqoonsan doono in ay ka mid yihiin Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Koofur Galbeed ayaa horay u sheegtay in ay Mamnuucday in dadka ku Hoosnool Al-shabaab ay soo galaan Degaanada Maamulkeeda,waxaana ay sheegtay in dadkaasi ay yihiin kuwo ka tirsan Al-shabaab iyo kuwo la shaqeeya intaba.

Amaradaan ay soo rogeen Maamulka Koofur Galbeed ayaa ah mid dhibaato ku ah Dadka ku hoos nool Al-shabaab oo aan ka maarmin in ay yimaadaan Magaalada Baydhabo iyo Degaanada kale ee Maamulku uu Gacanta ku hayo.