Somali News

Koonfur Galbeed iyo DDS Galbeed oo ku dhawaaqay is kaashi ka dhan ah Al-Shabaab

Jigjiga-KNN-Wafti heer wasiir ah oo ka socda dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Waftigan oo ay horkacaayeen wasiirka amniga iyo wasiirka hawlaha guud ee dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed kana mid ahaayeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Bakool ayaa la sheegay in u jeedka safarkooda uu ahaa in madaxda sare ee gobolka Soomaalida ay kala hadlaan iskaashiga laga sameeyo dhinaca ammaanka.

Labada dhinac ee Koonfur Galbeed iyo ismaamulka Soomaalida ayaa isku raacay inay sameystaan iskaashi dhanka ammaanka ah, gaar ahaan maamulka gobolka Bakool iyo kan gobolka Soomaalida.

Hoggaamiye ku xigeenka nabad geliyada ismaamulka Soomaalida Maxamed Axmed Guray, Gudoomiyaha Gobolka Afdheer Maxamed Cabdi Xamaw iyo Mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo xuduud dheer ay ka wadagaan dhanka gonolka Bakool.

Wasiirka howlaha guud ee dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in u jeedada ay Jigjiga u yimaadeen ay tahay xoojinta nabadgalyada, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaab ay dhibaatooyin xoog leh ku hayaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.