Baydhabo-KNN-Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Barow oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa waxa uu ka hadlay amniga guud ee deeganada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay u diyaar garowday sidii la iskugu furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, iyadoo ay xusid mudantahay inta badan degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed in aan la iskaga kala gooshin oo Al-Shabaab ay u go’doonsanyihiin badankood.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaaq Barow ayaa Ciidamada xoogga dalka, AMISOM iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed waxa uu kaga mahad celiyay sugida amniga deegaanada maamulkaas, isagoo si gaar ah ugu hanbaliyeeyay in ay ku guuleysteen sidii umadda reer Koonfur Galbeed ay nabad ugu dhameysteen bishii bara keysneed eeRamadaan.