Somali News

Koonfur Galbeed oo shaacisay inta ay noqonayaan golaha deegaanka Diinsoor

Baydhabo-KNN-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay tirada la rabo inay ka koob naadaan golaha deegaanka ee loo sameynayo degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Bay.

Liiska ayaa waxaa lagu soo bandhigay 21 xubnood, waxaana lagu sii kala saaray sida loo kala qeybsanayo kuraasta oo laga rabo 11 rag ah iyo 10 dumar ah, kuwaas oo ka kala imaan doona beelaha ku nool degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in liiskan ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ay horay ugu soo heshiiyeen saxiixayaasha beelaha oo gaaraya illaa afar beelood.

Dhowaan ayaa la filayaa in lasoo dhiso golaha deegaanka degmada Diinsoor oo qorshaha lagu soo dhisayo maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey gudaha magaaladaas.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay uga dhawaajiyey inuu qorsheynayo sidii dhamaan degmooyinka uu ka arimiyo uu uga soo dhisi lahaa golayaasha deegaanka oo muhiim u ah daadajinta dowladnimada.