Baydhabo-KNN-Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku biiray Maamulada Puntland, Soomaali-land iyo Hirshabeelle kuwaas oo ka soo horjeestay go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay Dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaiiljka kaas oo lagu go’doomiyay Dalka Qatar.
War-saxaafadeed ka soo baxay Koonfur Galbeed Islamarkaana ku qornaa Luqadda English-ka ayaa lagu sheegay in K/Galbeed ay taageersan tahay wadamada Sacuudiga, Imaaraadka iyo Xulufadooda kana soo hor jeedo go’aanka Dowladda Soomaaliya ee meel dhexe iska taagaya Khilaafka Wadamada Carabta gaar ahaan Khaliijka.
“Waxaan cadeyneynaa Go’aankii Dowladda Somaliya ay qaadatay 6-dii Bishii June ee ay ku muujisay Dowladda in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka khaliijka inuusan aheyn mid ku yimid wadatashi lala sameeyay Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Bulshada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay K/Galbeed.
Sidoo kale K/Galbeed ayaa qoraalkii ka soo baxay lagu yiri “K/Galbeed waxa ay cadeynaysaa inay garab taagan tahay go’aankii ay qaateen Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan Dowladda Qatar”
Maamulka Gobaleed K/ Galbeed oo ka mid ah maamuladii ugu danbeeyay ee Soomaaliya sidoo kale sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin dalal xiriir wanaagsan oo soo jireen la leh Somaliya, ayna taageerayaan mowqifka ay qaateen.
Dowladda Qatar ayaa dhagaha iyo Indhaha ka fureysaneysa go’aanada Maamul gobaleedyada sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ka soo qaaddo hadalada iyo go’aanada ka soo baxaya Maamulada Dalka.
Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa wali cadeynin Mowqifkooda ku aadan Xiisadda u dhaxeysa Wadamada Khaliijka waana labada Maamul oo kaliya aan wali ka hadlin.
Maamulada ka soo horjeestay go’aanka Dowladda Soomaaliya ee Xiisadda Khaliijka ayaa loo arkaa in ay ka dhex arkeen dano u gaar ah oo la xariiro mid dhaqaale, balse waxa uu dhaawacaya Sumcada Dowladda Soomaaliya maadaama ay gadaasheeda ka guuxayaan Maamul Gobaleedyo gadaal laga soo riixayo.