Muqdisho-KNN- Askar ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo koox Burcad ah ayaa galabta waxaa uu isku horimaad ku dhexmaray Degaanka Garisbaaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Iska Horimaadka ayaa ka dambeeyay, kadib markii kooxda Burcada ay taleefoon ka soo dhaceen Macalin bari ka ah dugsi qur’aan ku yaala Isgooska Macaane ee Degaanka Garisbaaley, iyadoona burcada ay doonayeen in ay goobta ka baxsadaan.
Burcada dhaca geysatay ayaa waxaa ay wateen mootada loo yaqaano bajaaj-ta, waxaa ayna tiradooda dhameyd Sedex Ruux oo Burcad ah.
In la xaqiijiyay 2 ka mid ah kooxda burcada ayaa la dilay, halka labo qof oo shacab ah ay goobta ku dhaawacmeen.
Sidoo kale Askarta ayaa la sheegay in goobta ay ka kaxaysteen mid ka mid ah kooxda Burcada ah.
Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in iska horimaad kooban uu dhexmaray Askarta ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kooxda Burcada aheyd, iyadoona khasaaro la gaarsiiyay burcada.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay koox burcad ah oo dhac iyo afduub u geysta shacabka Soomaaliyeed.


