Muqdisho-KNN-Ciidanka Bada Midowga Europe ee ka howlgala Soomaaliya ayaasheegay in 10 Sano ee oo ay joogeen Biyaha Soomaalida ay ka guuleeysteen Burcadbadeedii Soomaalida ee Weeraradoodu joogtada ka noqdeen Badweeynta Hindiya iyoBiyaha Gacanka Cadmeed.
Howlgallka Midowga Europe ee Badda Soomaaliya waxaa uu biloowday 8 December Sanadkii 2008dii, xilligaas oo Burcad badeedda Soomaalidu ay Awood buuxda lahaayeen, maraaakiib badan iyo shaqaalihii lasocdayna ay qabsadeeen.
Wakiilka sare ee Arrimaha Dibadda iyo Madaxweyne ku xigeenka Midowga Europe Federica Mogherini aya sheegtay “in Nabadda iyo Amnigu ay yihiin Wadnaha iskaashiga u dhexeeya Midowga Europe iyo Africa”. Waxay hadalkeeda ku dartay in Toban kii sano ee lasoo dhaafay Howlgaladdii ay uga hortagayeen Burcabadeeda Soomaalida in ay ku guuleeysteen.
Howlgalka oo udabaal degay Tobansano guuradii kasoo wareegtay markii Howlgalka la aasaasayayaa War uu soo saaray waxaa uu ku sheegay Weeradda Burcad badeedda oo Snaadkii2011 kii gaaray 176 ay hoos u dheceen ayna hadda marayaan Afar weerar oo guuldareestay 2018.
Tan iyo October Sanadkii 2016kii ma aysan jirin maraakiib iyo Dad la heeysteyaal ah oo burcaddu qabsadeen.
Midowga Europe waxaa uu sheegay in 10kii sano ee lasoo dhaafay uu 100% suurta galiyay in 1.8 million oo ton gargaardhan oo ay WFP leedahay in si nabad ah uu Soomaaliya ku soo gaaro.
Lacagta ku baxday la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaalida ayuu Midowgu ku sheegay 7 billion oo dollar aya ahayd Sanadkii 2011kii balse laga soo yareeyay 1.4 billion oo doolar ayaana la gaaarsiiyay dhamaadkii 2017kii.
21 Wadan oo ka tirsan Midowga Europe iyo Lix wadan oo ay kaashanayaan ayaa Ciidankoodu ka howlgalaan Biyaha Soomaaliya, waxayna si muuqata u wiiqeen Awoodii Burcad badeedda Soomaalida.


