Somali News

Koox hubeeysan oo Muqdisho ku dilay Nin oday ah

Muqdisho-KNN:-Koox hubeeysan ayaa goor dhaw waxa ay nin Oday ah ku dileen Aagga Hotel Lafweeyn oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Wararka aynu heleeyno ayaa Sheegaya in labo nin oo dhalinyaro ah Bastooladana ku hubeeysnaa ay dilkan geesteen.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo KNN la hadlay ayaa Magaca qofka  la dilay inoogu Sheegay Xuseen Hilawle.

Kooxdii dilka geeysatay ayaa durbadiiba meesha isaga baxsatay waxaana sidii caadada aheedba soo gaaray Ciidamo amaanka, oo xilligan goobta ku sugan.