Somali News

Koox hubeysan Dil ka geystay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa  maanta waxaa ay weerar ku qaadeen Shaqaale ka tirsanaa Shirkada Hormuud, xili ay marayeen Isgooska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay 2 Qof ayaa ku geeryootay, halka hal qofna uu ku dhaawacmay.

Qofka dhaawaca ayaa waxaa loo qaadday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala Muqdisho, iyadoona halkaasi lagu dabiibayo.

Kooxda weerarka fulisay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadee.

Ciidamo boolis ah ayaa goobta gaaray iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.