Somali News

Koox hubeysan Muqdisho ku dilay Ganacsade

Koox hubeysan ayaa caawa Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid ku dishay Allaha u naxariistee Shiikh Salaad Ciise Kaarshe oo ahaa Ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa inoo sheegay in ragga dilay Shiikha ay ku hubeysnaayeen Bastaalad, isla markaasna ay qeyba sare ee jirka kaga dhufteen Rasaasta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Booliiska ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaris lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falkan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka oo ku aadan cidii ay u soo qabteen howlgallada ay sameeyeen, mana cada ilaa hadda cida ka dambeysay weerarkan.

Falkaan waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale.