Somali News

Koox hubeysan oo caawa dil iyo dhaawac ka geystay Beledweyne.

Beledweyne-KNN-Koox hubeysan ayaa caawa waxaa weerar ku qaadeen askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo marayay Bartamaha Magaalada Beledweyne, iyagoona halkaasi ku dilay.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Weerarka inta la xaqiijiyay Hal askari ayaa ku dhintay, halka labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen, kadib markii rasaas lagu furay askariga.

Kooxda weerarka ka geysatay Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ayaa goobta ka baxsaday, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Ciidamada amaanka ayaa caawa baaritaano ka wada magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.