Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa Caawa waxaa ay qof Shacab ah Ku dileen degmada Karaan ee gobolka Banaadir.
Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Halka loo yaqaano Shineema liibaan oo u dhaxaysa Saldhiga iyo Xarunta Degmada kaaraan.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Daashoow, iyadoona kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka wadaan.