Somali News

Koox hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Wararka ka imaanaya  gobolka Mudug ayaa sheegaya  in xalay maleeshiyaad hubeysan ay hoygooda ku weerareen Qoys ku sugnaa nawaaxiga  tuulo  lagu Magacaabo xaafoodle oo u dhow deegaanka Balli-busle degmada Jariiban ee Gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay sedex qof oo ahaa Xoolo dhaqato ayaa la sheegay in qoyska laga dilay,isla markaana maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Qoyskan la weeraray ayaa la sheegay in kal hore ay ka guureen  Deegaanka  Towfiiq oo ka tirsan Gobolka Mudug, sida waxaa KNN u sheegay dadka deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gudoomiyaha deegaanka Towfiiq ee Gobolka mudug ee dhanka  Maamulka  Puntland Maxamed Cabdulqaadir Axmed ay  gurmad ahaan ugu baxeen  Qoyska la weeraray, hayeeshe waxaa la tilmaamay in rasaas lagu furay gaari uu saarna gudoomiyaha, iyadoona dhaawac uu soo gaaray.

Dhaawaca Guddoomiyaha ayaa la geeyay isbitaalka Magaalada gaalkacyo ee Gobalka Mudug, isagoona halkaasi lagu baxnaaniyo xaaladiisa caafimaad.