Somali News

Koox Hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Deegaanka Docolo ee Koonfurta magaalada Balibusle ee degmada Jariiban gobolka Mudug, iyagoona halkaasi dil iyo dhaawac ka geystay.

Falkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii habeeno ka hor weerar dhimasho iyo dhaawac ah geystay uu dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug,waxaana arrintaan sidoo kale loo aaneynaa arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay hoy ay ku sugnaayeen dadka xoolo dhaqatada ah ee la dilka iyo dhaawaca loo geystay.

Inta la xaqiijiyay Sedex Qof oo isku qoys ah ayaa ku geeriyootay weerarka, halka mid kale ay dhaawaceen Maleeshiyaadka Weerarka qaaday.

Maxamuud Maxamed Maxamuud ( Muufo)  Gudoomiyaha degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa mid gardarro ah,isla markaana loo geystay dad Xoolo dhaqato ah oo aan waxba galabsan.