Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Askar ku sugneed Isgooska Ceelasha Biyaha ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Askarta iyo kooxda hubeysneed ayaa waxaa ay mudo iska horimaad ku dhexmaray isgooska Ceelasha Biyaha, iyadoona la soo warinayo in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay iska horimaadkaasi.
Dad Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in iska horimaadka uu khasaaro ka dhashay, islamarkaana waxaa ay sheegeen in cabsi ay soo wajahday, iyadoona ciidamada amaanka ay baaritaano ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
War ka soo baxay warbaahinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay iska horimaadka ay ku dileen hal Askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugnaa isgooska ceelasha Biyaha ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka eek u sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobalka Shabeelaha Hoose.


