Somali News

Koox hubeysan oo maanta nabadoon ku dhex dilay Masjid ku yaala Boosaaso.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan  ayaa maanta Magaalada Boosaaso waxaa ay ku dileen mid ka mid ah Salaadiinta ugu caansan ee Gobalka Bari.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay masaajidka Mubarak ee magaalada Boosaaso, waxaana lagu dhex dilay islana masjidka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Suldan Bashiir Muuse Konte oo ka mid ahaa isimidda caanka ah ee Puntland.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay  in Suldaanka oo fadhiyay safka labaad ee masaajidka, islamarkaana aqrisanayay qur’aan uu nin bistoolad ku hubeysnaa madaxa hal xabad kaga dhuftay kaddibna uu goobta ku dhintay.


Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu markiiba bam gacmeed ku tuuray ilaalo bannaanka ku sugneyd oo isku dayday in ay qabtaan, kaddibna orod kaga baxsaday goobta, mana jirto cid wax ku noqotay bamka.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano waxaa ay ka wadaan bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobalka bari.