Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in koox hubeysan ay iridka hore ee Xawaalada Amal ee suuqa Bakaaraha ay ku dhaawaceen C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah masuuliyiinta shirkaddaasi. Dad goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in masuulka la dhaawacay loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Ku yaala Magaalada Muqdisho. Kooxda dhaawaca u geysatay cabdi qaadir ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen. Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa in la dhaawaco Cabdi Qaadir oo ka mid ah masuuliyiinta xawaalada Maalmo ka hor ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday gaari gacan uu ka dhacay iridka hore ee xawaalada Amal.


