Somali News

Koox Hubeysan oo Qof shacab ah ku dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Kooxo hubeysan ayaa Maanta waxaa ay suuqa Bakaraaha ku dileen Nin la Sheegay inuu ka shaqeeyo Rarista Gaadiidka ee howlgala isgooska Suuqa Bakaraha ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ayaa KNN  u sheegay in Labo dhalin yaro ah ay dilka u geysteen qofka Shacab ah,iyadoona kooxdii dilka fulisay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Amaanka ayaa Gaaray Goobta uu falka dhacay, iyadoona la tilmaamay in halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada,sida uu KNN u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Degmada Howl-wadaag.

Ilaa iyo hada Lama oga Sababta ka dambeysay in la dilo qofka rayidka ah.

Saraakiisha Ciidanka Amaanka ee Dowlada Soomaaliya Weli wax war ah kama soo saarin dilka maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka qorsheysan ee loo geysto dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan ciidanka Dowlada Soomaaliya.