Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda Sports Tafsiir

Koox Hubeysan oo Hal Qof ku dishay Degmada Hodan ee Muqdisho

Muqdisho–KNN-– Koox Hubeeysan oo la sheegay in ay Gaari wateen ayaa Rasaas ku furay Gaari Nuuca Raaxada ah oo marayay Meel aan sidaa uga Fogeyn Isbitaalka Digfer ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Hal Qof uu ku dhintay Rasaasta lagu furay Gaariga ay la socdeen Dadka la Weeraray ,waxaana ku dhaawacmay illaa Saddex kale.

Dadka lagu Rasaaseeyay Degmada Hodan ayaa sheegaya in ay yihiin Hal Qoys,waxaana goobta ka baxsaday Kooxdii Weerarka fulisay.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobta gaaray,kuwaas oo halkaas ka sameeyay Baaritaano,inkastoo aysan jirin Cid ay u soo qabteen.

Maamulka Degmada Hodan weli kama hadlin Dadka lagu Rasaaseeyay Degmadaas.