Somali News

Koox hubeysan oo shaqaalo Faransiis ah ku laayay dalka Niger.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa weeraray shaqaalo gargaar oo ku sugnaa gudaha dalka Niger.

Weerarka waxaa ku dhintay lix kamid ah shaqaalo u dhashay wadanka Faransiiska, waardiye iyo darawal lasocday.

Kooxda hubeesan ayaa lasheegay in ay wateen mooto iyagoo rasaas ooda kaga qaaday gaariga ay lasocdeen shaqaalaha gargaar sida uu duqa magaalada u sheegay warbaahinta AFP.

Weerarka waxa uu ka dhacay gobolka Koure oo ah goob soo jiidato indhaha dalxiisayaasha.

Dhimashada shaqaalaha Faransiiska waxaa sidoo kale xaqiijiyay madaxwaynaha dalkaasi Emanuel Macron