Somali News

Koox hubeysan oo weerar khasaare dhaliyay ka geysatay magaalada Boosaaso

Boosaaso-KNN-Dabley hubeysay oo wadatay gaari nuuca raaxada ee yaqaano Brobox-ta ayaa xalay weerar ku qaaday Askar ka tirsan Booliiska Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Sharma’arke Axmed Waaberi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Puntland ee gobolka Bari ayaa lagu dilay weerarkaas waxaana dhaawac soo gaaray labo Askari oo kale.

Saldhig  lagu magacaabo Mijir ee magaalada Boosaaso ayey dableydaasi weerar ku qaaday fiidkii hore xalay, iyagoona goobta iskaga baxsaday dilka Askariga iyo dhaawaca labadaas Askari Ka dib.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay dilka askariga iyo cid sheegatay toona, balse Booliiska ayaa baaritaano ragaasi lagu baadi goobayo ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Boosaaso.