Muqdisho-KNN-Koox ku hubeysan ayaa xalay askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya waxaa ay ku dileen isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaliya, waxaana la tilmaamay in kooxaha dilay askariga ay gaarayeen labo qof, iyadoona durbadida ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa goobta ka bilaabay howlgal aan weli la shaacin cidda lagu soo qabtay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo laamaha Ammaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaasi xalay ka dhacay gudaha degmadaasi.