Somali News

Koox hubeysan oo xalay dil iyo dhaawac ka geystay Boosaaso

Boosaaso-KNN-Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay weerar  sababay dhimasho iyo dhaawac ay ku qaadeen askar ka tirsan Booliska maamulka Puntland.

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay, xili ciidamada booliska Puntland ay ku guda jireen howlgal ay ka wadeen Bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari, kaasi oo lagu xaqiijinayo amniga Magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday, halka mid kalana uu ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Askarta la weeraray ayaa waxaa ay ilaalo u ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Kooxda hubeysan ee dilka iyo dhaawaca ka geystay Magaalada Boosaso ayaa goobta baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaaren ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa puntland, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyey.

Todobaadkii hore ayey eheyd markii Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasoo marayay aagga Saldhigga  Manjir, waxaana weerarkaas ku dhintay hal askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.