Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee wax ka soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay in ay dileen odayga, islamarkaana waxaa la tilmaamay in ay goobta ka baxsadeen.
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Feeldheer.
Dadka Deegaanka ayaa KNN u Sheegay in Sababta loo dilay ay tahay inuu ka mid ahaa Ergadii Magaalada Cadaado ka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen degmada wadajir ee Gobalka Banaadir.
Mana jirto ilaa iyo hada cid loo soo qabtay dilka loo geystay odayga.
Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal Qorsheysan oo geystaan koox ku hubeysan Bistoolaad.


