Somali News

Koox Hubeysan oo xalay Haweenay ku dishay Gaalkacyo.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya  Magaalada Gaalkacyo ee  Gobolka Mudug ayaa sheegaya xalay halkaasi koox hubeysan ay ku dileen Haweenay ka mid aheyd dadka Magaaladaasi ku nool.

Dilka haweeneyda ayaa waxaa la sheegay in  loo adeegsaday Toorey, iyadoona kooxdii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Dadka Deegaanka ayaa KNN u sheegay in haweenayda iyo kooxda dilka geysatay uu muran dhex maray,islamarkaana kadib haweenayda sidaasi lagu dilay.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee Gobalka Mudug ayaan weli ka hadlin Dilka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalkaasi.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa waxaa ay ka mid tahay mid meelaha inta badan dilalka ay ka dhacaan.