Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi xalay dil loogu geystay Laba wiil oo ka mid ahaa Dhalinyarada ku noolaa Magaalada Boosaaso.
Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay in labada wiil ee la dilay ay ugu tageen xeebta, kadibna dhowr xabadood ay ku dhufteen.
Qaar kamid ah dhalinyarada ku nool magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegay in dableydii dilkaasi geysatay ay iskaga baxsadeen goobta uu falka ka dhacay.
Wararka saakay laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Puntland ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan xaafadaha ku dhow dhow halka uu dilka ka dhacay ee Xeebta Magaalada Boosaaso.
Dilka ayaa ku soo aadaya xilli xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka
gadoodsan mushaar la’aan ay weerareen Xabsiga Magaalada Boosaaso,isla markaana
uu dagaal dhexmaray Ciidamada ilaalada ka ahaa Xabsigaasi, hayeeshee markii
dambe uu geeriyooday mid kamid ahaa maxabiista xabsiga ku xirneyd sida la
sheegay.


