Afgooye-KNN-Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Xalay Fiidkii hore ayaa koox hubeysan degmada waxay Ku toogatay Alle ha u naxariistee Nin ka mid ahaa odayaasha dhaqanka degmada Afgooye.
Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Afgooye ayaa KNN u sheegay in dhalinyaro Bastoolado Ku hubeysan ay bartamaha Afgooye Ku toogteen Nqbadoon caan ka ah Gudaha Afgooye.
Dilka kadib ayaa goobta waxaa ka baxsaday ragii dilka geysatay waxayna ciidanku sheegeen in ay Ku daba jiraan soo qabashada ragaasi.
Habeen hore ayaa Afgooye koox hubeysan waxay Ku dishay ilaa 3 qof oo shacab ahaa ka dib rasaas lagu furay gaari Shacabku ay saarnaayeen.