Somali News

Koox hubeysan oo xalay oday ku dilay Afgooye.

Afgooye-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay ayaa xalay oday da’ ah waxaa ay ku dileen  tuulada lagu Magacaabo Sagaalaad oo hoostagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Baani.

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa,waxaana wararka ay sheegayaan in marxuumka  la dilay uu mar soo noqday Guddoomiye Tuulada Sagaalaad ee hoostagta degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in xiliga la dilayay marxuumka uu ka soo baxay Masjid uu salaad ku soo dukaday.