Somali News

Koox isbaaro u taalay Sh.Hoose oo la qabtay.

Afgooye-KNN-Amaanduulaha Ciidanka xoogga dalka , Odowaa Yuusuf  oo la hadlay warbaahinta , ayaa sheegay  in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howl-gall ka dhan Jid gooyooyin yaallay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ka sameeyay Degmada  Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Waxaa uu sheegay Amaanduulaha in Gacanta ay ku soo dhigeen  Shan ka mid ah Kooxihii ay Jid-gooyada u yaallay iyo Hubkii ay wateen.

Odowaa Yuusuf , ayaa sheegay in ay u taagan yihiin difaaca Dalka, isla markaana aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacabka, waajibna uu ka saaran yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa difaacyo cusub ka sameystay degaanno hoos-taga Afgooye, si loo adkeeyo ammaanka guud ee Gobolka Sh.Hoose  iyo kan Degmada intuba.